5 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaa maqaayad ku taalla nawaaxiga wasaaradda Dhalinyarada iyo cayaaraha dowladda Somalia.

Weerarka oo loo adeegsaday gaariga lagusoo xiray walxaha qarxa ayaa lala beegsaday meherad ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay shan qof ayaa geeriyootay, waxaana dhaawacu kor u dhaafayaa sideed ruux.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Somalia, ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxayna sameeyeen baaritaano kala duwan, halka baabuurta gurmad ay qaadayeen dhaawacyada iyo dadka geeriyooday.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay dhinaca dowladda Somalia.

Goobta la weeraray oo lagu magacaabo Italian ayaa inta badan waxaa ku dhow xarumo dowladeed gaar ahaan wasaaradaha amniga iyo Cayaaraha.

Ururka Al Shabaab ayaa loo malaynayaa inay ka dambeeyeen falkan oo kamid noqonaya weeraro muddooyinkii dambe ka dhacay caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM