​54 Xildhibaan oo xilkii ka qaaday Madaxweynaha Galmudug [Dhagayso]

Image

CADAADO, Somalia- Xildhibaanada Barlamanka Galmudug ayaa xilkii ka qaadey Madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo maalin ka hor laga keenay mooshin ku saabsan xil gudasho la'aan iyo inuu muddo badann ka maqnaa xarunta looga arrimo ee Cadaado.

Cali Xareed Cali, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Barlamanka Galmudug, ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in 54 Xildhibaan ay cod gacan-taag ah xilkii ugu xayuubiyeen Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Xareed, wuxuu intaas ku daray in isaga uu Shir gudoomiyay Kulanka maanta xilka looga Qaaday Cabdikariim, isagoo xusay inay dhammaan isku raaceen in jagada laga qaado Madaxweynihii lagu doortay Cadaado.

Shaqada dowladda ayuu sheegay inuu sii daadihin doono Madaxweyne ku xigeenka galmudug Maxa'ed Xaashi Carabeey oo uu tilmaamay inuu u ogolaanayo qodob dastuuri ah.

Fadhiyada soo socda ee Xildhibaanadaas ayaa Guddoomiyuhu sheegay inay kusoo xuli doonaan guddi ka shaqeeya doorashada Madaxweynaha.

Ma jirin cid diiday codkii loo qaaday xilka qaadista Madaxweynaha Galmudug, sidoo kale cidna kama aamusin, sida uu xaqiijiyay Mudane Xareed.

Mooshinkan ayaa yimid Xilli Madaxweynihii maamulkaasi loo dhaariyay 2015 uu gudan waayay waajibaadkiisa Dastuuriga ahaa sida ay Xildhibaanadu ku doodeen, waxaana tallaabadan  ay dhacday isagoo ku sugan magaalada Muqdishu.

Baaramaanka Galmudug ayaa sheegay inay gacan ku hayaan Mooshin kan lamid ah oo ay kalsoonida ugala laabanayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Dhinaca Madaxweyne Guuleed, balse tallaabadan ayaa timid xilli labo Shalay, uu mooshinka ku sifeeyay mid aan munaasab ahayn oo maamulkiisa u horseedaya fowdo, isagoo Xildhibaanada ugu baaqay inay ka laabtaan go'aankaas.

Guuleed, ayaa la sheegaa inuu yahay ragga saaxiibka la ah Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo hadda u ololaynayay sidii mar kale loo dooran lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM