Aadan Madoobe oo digniin u diray taliyeyaasha ciidamadda

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Dhawaqan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu isku-diyaarinayo Doorashada Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa wuxuu isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Shirkan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka. Is-aragan wuxuu kusoo beegmay xilli waddanka uu isku-diyaarinayo doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Dhanka kale, guddoomiye Aadan Madoobe ayaa isla maanta wuxuu kulan mira-dhal ah la yeeshay saaxiibbada beesha  caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

"Xubnaha C6+ ayaa balan qaadey in ay Guddoomiyaha gacan ka siin doonaan dhameystirka doorashada dalka," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska afhayeenka Aqalka Hoose.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyey in maalinta berito waxa ay yeelan doonaan kulan kaasoo ajandisuu yahay  Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM