Aadan Madoobe: Waxaan u baahanahay jamhuuriyad ku dhisan is-jaceyl

Image
Afhayeenka Aqalka Hoose ayaa hadalkan sheegay isaga oo wakiil ka ah madaxweynaha dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka wakiil ah Madaxweynaha, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabada xuska 26‐ ka Juun, oo ku beegan 62-sanno guuradii ka soo wareegatay xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, Guddoomiyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed.

Aadan Madoobe oo Khudbad dhan walba taabaneysa ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in 62-sano ka dib aan walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale. waxaana uu khudbadiisa ku yiri sidatan. 

“Farxad weyn ayeey ii tahay inaan caawa Ka qeyb galo munaasabadda loogu dabaaldagayey 62 sano guurada ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun".

Wuxuu ku daray: "62-sano ka hor 26-ka Juun1960 waxay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin xorriyadeed, maalin farxadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay gayiga dalkeena".

"Sidaa darteed waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, waa maalin nooga baahan in aan dib u milicsanno halgankii adkaa ee naf iyo maal lahaa ee lagu bixiyay xorriyadda aan maanta heysanno," ayuu xusay.

Madoobe ayaa tibaaxay: "Munaasabaddan qiimaha weyn darteed waa in aan dib u eegno wixii naga xumaaday, gacmahana aan isugu qabsanno oo aan waqti ku bixinno sidii walaalaha Waqooyi dib loogu qancin lahaa Soomaaliweyn, Midnimo iyo Walaalnimo, taas oo fure u noqon karta dowladnimo Soomaaliyeed oo sinnan, wadajir iyo caddaalad ku dhisan".

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda oo geba-gada munaasabada ka sheegay in maanta loo baahanyahay midnimo aan markale dib ugu midoobi karno, taas oo ka dhigan Jamhuuriyad ku dhisan is jeceyl iyo walalnimo".

Saacada markey aheyd 12:00 saqda dhexe ee habeennimo ayaa waxaa la saaray Calanka Jamhuuriyada, iyadoo shacabka iyo madaxda wajiyadooda laga dheehanaayey farxad iyo reyn-reyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM