Abaarta ka jirta gobolka Sanaag oo saamayn yeelatay [Dhagayso]

Image

20 Octobar, 2016(GO)-Baad iyo biyo la'aan xooggan ayaa laga soo sheegayaa gobolka Sanaag, xilli dhawaan Puntland shaacisay xaalad dag dag ah oo ka jirta deegaanadeeda.

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamud Ismacil Ciyoon oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in abaartu saamaysay duunyada ku dhaqan gobolkaasi, waxaana uu xusay saddex meelood meel ka mid ah xoolaha ku noolaa gobolka abaartu waxyeelaysay.

Dadka ku nool deegaanka ayuu cabsi ka muujiyay inay ku lug yeelato xaaladda ka taagan Sanaag, waxaana uuna tilmaamay inay direen baaqyo ku aadan sidii waxa loogu qaban lahaa.

Gobolka Sanaag ma uusan helin xilli roobaadkii Gu'ga, siduu xaqiijayay Gudoomiyaha gobolkaasi, waana sababta keentay inay xaaladdu adkaato.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli qaybo ka mid ah Puntland Roobsatay, iyadoo ay jiraan goobo kale oo laga soo sheegayo abaaro ba'an.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM