Abwaan Cali Sugulle oo lagu aasay magalada Hargeysa [sawirro]

Image
Image
Image
Image

Hargeysa: 14 January, 2016(GO)-Waxa maanta xabaalaha Naasa hablood ee magaalada Hargeysa lagu aasay abwaan Cali Sugulle Cigaal(dun-carbeed)oo laba maalmood ka hor ku geeriyooday dalka imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, xubno katirsan xukuumaddiisa iyo golayaasha kala duwan ee dawladda, hoggaanka Axsaabta Mucaaridka, abwaanno, fannaaniin, ehelkii, saaxiibadii marxuumka iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan, ayaa aaska Abwaanka ka qayb galay.

Hadallo kala duwan oo madaxda iyo dadka kale ee goobta tagay jeediyeen waxay ku aammaaneen shakhsiyadda ALLAHA u naxariistee Abwaan Sugulle, waxayna isku raaceen inuu ahaa qof aragti dheer oo meel fog wax ka arka.

Ugu dambayntii marxuumka ayaa lagu riday hoygiisa aakhiro, waxana duco aan loo kala harin u akhriyey bulshadii aaska joogtay, iyagoo tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay.

Marxuum abwaan Cali Sugulle, ayaa kamid ahaa abwaannada geyiga soomaalida ugu magaca dheere, waxana uu tiriyey heeso badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM