Afar qof oo dil Arxan darro ah loogu gaystay Hiiraan

Image

BALADWEYNE, Somalia- Kooxo hubaysan ayaa dil arxan darro ah ka gaystay duleedka degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo lagu khaarajiyay Afar qof oo kala ahaa Labo Hooyo iyo Labo qabdhood oo ay kala dhaleen.

Dilkan ayaa ka dhacay duleedka degmada Baladweyne gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Baar oo 30KM dhinaca Galbeed.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah dilka ayaa dhacay galinkii dambe ee maanta, waxaana Afartaasi ruux loogu tagay hoygooda.

Kooxdii dilka gaysatay ayaa sidoo kale gubay hoygii ay lahaayeen dadka la laayay.

Waxay ku sheegeen sababta loo dilay inay tahay mid la xiriirta aano-qabiil.

Malleeshiyada dilka geystay ayaa lagu soo waramayaa in dilka kadib ay goobta isaga baxsadeen. Dadka deegaan ayaa soo sheegaya in ay jirto xiisad ka dhalatay dilka shacabka.

Deegaanada ku yaalla gobolka Hiiraan qaarkood ayaa waxaa sanadihii dambe ka jiray Dagaal Beeleedyo dad badan ay ku dhinteen, kuwaasi oo ay dad badan oo shacab ah lagu dilay, qaarna lagu dhaawacay.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa horay uga dhacay marar kala duwan Koonfurta dalka Somalia, waxaana lagu dilay haween iyo carruur loo laayay anooyin Qabiil.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamulka gobolka gobolka Hiiraan.

Raggii dilka gaystay ayaa koobta ka baxsaday iyo ilaa hadda aan war laga hayn goobta ay jaan iyo cirib dhigeen.

Dhanka kale, wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha dhexe aya sheegaya in Shil-gaari oo ay ku geeriyoodeen afar qof uu ka dhacay deegaanka Ceel-macaan.

Shilka ayaa yimid markii ay isku dhaceen Labo gaari oo nooca Xamuul qaada oo dad badan saarnaayeen, sida uu Goobjooge u sheegay Warsidaha Garowe Online.

GAROWEONLINE


Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM