Afar weriye oo lagu xiray Somaliland

Image

November 1, 2014 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay afar weriye oo ka mid ah kuwa  telefishinada ku hadla afka soomaaliga uga soo warama degmada Gebiley.

Weriyeyaasha la xirey oo ka kala tirsan telefishinada Horn Cable, Somali Channel iyo Royal waxaa sababta loo xiray lagu sheegay war ay ka sameeyeen xaflad xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiyo shalay (Jimce) Gebiley ku qabsaday.

Warbixinaha laga sameeyey xafladdaas ayaa muujinayey in dad aad u tiro yar oo shaqaalaha dowladda u badni kasoo qayb galeen islamarkaana aanay ku sugneyn xubno meteleayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaa sidoo kale warkaas lagu daawaday calanka iyo astaanta xisbiga kulmiye oo dadweyne caraysni ku gubayeen meel aan wax badan ka durugsaneyn goobta uu kulankaasi ka dhacay.

Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee magaciisa loosoo gaabiyo SOLJA ayaa xarigga weriyaasha aad u cambaareeyey kuna tilmaamay tallaabo xadgudub ku ah xoriyatul qowlka iyo xuquuqda warbaahinta labadaba.

Ma ahan markii ugu horeysey ee Maamulka Somaliland oo lgu eedeeyo inuu aad u caburiyo warbaahintu xabsiga u taxaabo weriyeyaal ka tirsan telefishinada caalamiga ah ee afka soomaaliga ku hadla.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo oo u dhexeeyay ciidanka DFS iyo kuwo taabacsan Laftagareen

Laftagareen ayaa xilka laga tuurey 30-kii Maarso 2026, kadib toddobaadyo ay jireen ismariwaayo siyaasadeed iyo isku hor imaadyo militari.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:28AM

Midowga Afrika oo ugu baaqay Xasan Sheekh iyo Mucaaradka in ay dib ugu laabtaan wada-hadallada

Bayaan kasoo baxay guddiga ayaa lagu ammaanay labada dhinac sida ay ugu diyaar garoobeen wada-hadal toos ah.

  • Soomaliya

    22-05-2026

  • 11:08AM