Afey oo mar kale tagay Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Somalia- Wafdi uu hogaaminayo wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Maxamed Cabdi Afey, ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, isagoo kulamo la qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka.

Wakiilka ayaa kulan albaabada loo xiray la qaatay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, waxayna kawada hadlayeen arrimo la xiriira dhismaha maamulka labada gobolka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Warar madax bannaan oo shirkaasi ku xeeran ayaa sheegaya in labada dhinac aad uga doodayaan waxyaabaha lagu qancin karo bulshada gobolkaa si loo dhiso maamulkaasi, balse ilaa hadda ma jirto wax natiijo la gaaray.

Shirkan ayaa yimi maalmo uun kadib markii wafdi uu hogaaminayo Maxamed Cabdi Afey iyo General Gabre natiijo la'aan kaga laabteen kulan saacado badan socday oo ay la qaateen duub dhaqameedka gobolka Hiiraan.

Dhismaha maamulka labadaasi gobol ayaa muddo soo jiitamayay, waxaana hareeyay khilaaf ka yimi ergooyinka beelaha ka qayb galaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM