Afgooye oo qarka u saaran inay Al-Shabaab la wareegto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Degmada Afgooye ayaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay weerarada Kooxda Al-Shabaab ay kusoo qaado, iyadoo shacabka ku nool ay soo sheegayaan in Ciidamada halkaasi ku sugan ay yihiin kuwa aan lahayn awood ay ku difaacaan magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xalay markale saddex Jiho ay kasoo weerartay Afgooye, kadibna ay dagaal xooggan oo socday mudo ku dhaw hal saac kula gashay Ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa intii uu dagaalka socday u suuragashay inay la wareegeen saacaddo kooban Gacan ku haynta Saldhiyadda ciidanka dowladda, iyagoo markii dambe isla xalay si iskooda ah isaga baxeen.

"Dagaalyano hubeysan oo katirsan Al-Shabaab, ayaa saddex Jiho kasoo weeraray degmada Afgooye gaara ahaan Xaafadda Buula Fooliyo, waxaana u suuragashay inay saacado ay qabsadaan Saldhiga iyo xaafadda," waxaa sidaasi GO u sheegay qof kamid ah dadka deegaanka.

Al-Shabaab oo war qoraal ah kasoo saartay dagaalka Afgooye, oo 30-KM dhanka Waqooyiga Galbeed uga beegan Muqdisho, ayaa waxay sheegtay inay kala wareegeen Ciidamada dowladda Saanad ciidan.

Laakiin, illaa iyo haatan lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyeen in mas'uuliyiinta degmada ay dibad joog ka yihiin degmada, iyagoo u baqaya amaankooda, ayna ku sugan yihiin duleedka magaalada, gaar ahaan xeryaha AMISOM.

Gudoomiyaha degmadda Afgooye, Cabdi Naasir Cali oo Warisdaha Garowe Online, xiriiro khadka Taleefonka ah la sameeyay ayaa diiday inuu bixiyo macluumaad ku saabsan weerarka Al-Shabaab iyo amni darrada degmada ka jirta.

Degmadda Afgooye, oo kaabiga ku haysa Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa afartii bilood mar waxay marti-gelinaysay weeraro khasaaro badan sababay, kuwaasoo ay ku ekeeyaan fariisimaha ciidamada ay ku leeyihiin gudaha iyo daafaha magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM