Afhayeenka xukumada oo qarax lagula beegsaday Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka xukumadda Maxamed Ibraahim Mucalimuu ayaa ku dhaawacmay qarax Axada maanta ah ka dhacay Muqdisho gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Mucalimuu ayaa la beegsaday xilli uu ka soo baxay gurigiis oo ku yaalla inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaciyey in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, isla-markaana lala beegsaday afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale sheegay in Booliska uu dib ka bixin doonto faah faahinta khasaaraha ka dhashay weerarkan qaraxa loo adeegsaday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawac halis ah uu soo gaaray afhayeenka xukuumadda, isla-markaana loola cararay isbitaalka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay dhacdadaan ayaa sababta “Saaxiibada Farmaajo cidina ma qarxiso ee kuwa Rooble maxaa loo beegsadaa mar walba. Soo uma muuqato mashruuc siyaasadeysan oo la maalgelinayo”.

“Allaha caafiyo walaalkeen Mohamed Ibrahim Moalimuu Afhayeenka XFS” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaanka.

Weerarka Maanta waxaa sheegatay Kooxda Al-Shabaab. Mucalimuu ayaa horay uga badbaaday qaraxyo ka dhacay Hotel Jaseera, Maka Almukarama, Hotel Elite oo inta badan ay ka soo gaareen dhaawacyo.

Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa cambaareeyay qaraxa lala eegtay Afhayeenkiisa, isagoo u rajeeyay Caafimaad degdeg ah. Wuxuu sheegay Xafiiska Rooble in dhaawaca Macalimuu inuu yahay mid fudud, islamarkaana xaaladiisu hadda degan tahay.

Horay waxaa sidaan oo kale qarax loogu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika waxa sidoo kale qaraxaasi ku dhaawacmay Agaasimihii SNTV Sharmaake.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM