AFRICOM oo bogaadisay "gulufkii ugu waynaa" kana dhan ah Al-Shabaab

Image
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay "27 argagixiso ah" ku dileen duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa bogaadiyay howlgalkii amniga ee ‘ugu weynaa’ ee muddo shan sano ah ka dhanka ah Al-Shabaab, sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM.

Taliska Mareykana ee Afrika ayaa bayaankooda waxay ku shaaciyeen in howlgalkan ay fuliyeen ciidamada isku dhafka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Hase ahaatee, ma aysan caddeyn goobaha ay ka fuliyeen. Balse wuxuu warkan kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay howlgalo xooggan ka socdeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgaladaas oo ay kaalinta ugu weyn lahaayeen dadka degaanka ee la baxay "Macawiisley" ayaa lagu xoreeyay in ka badan 30 degaano, sidda uu sheegay milatariga Soomaaliya.

Sidda ay baahisay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, inta uu socdey howlgalkaas ayaa lagu dilay "in ka badan 200 dagaalame Al-Shabaab laguna soo qabtey 300 maxaabiis ah"

Dhanka kale, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyn ay 18-kii September kula beegsadeen Al-Shabaab meel u dhow magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan kadib markii ay weerareen ciidamadda Soomaaliya.

AFRICOM ayaa, sidda ku xusan bayaanka uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online, waxaa duqeynta ay dishay "27 argagixiso ah" aysana jirin waxyeelo shacab.

Weerarkan drone-ta ah ayaa "lagu fuliyey codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay U.S. Africa Command (AFRICOM). Dhanka kale, dowladda ayaa ka mahadcelisay duqeyntaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM