AFRICOM oo Duqeymaha Daacish ee Puntland Gaarsiisay Heerii Ugu Sareeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Maraykanka ee ka howlgala Afrika (U.S. Africa Command – AFRICOM) ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan Puntland, iyagoo sanadkan fuliyay 59 duqeyn oo gaar ah – tiradii ugu badnayd ee la diiwaangeliyo hal sano gudaheed. Tani waxay qayb ka tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Wararka laga helayo ilhaha ammaanka Puntland ayaa sheegaya in ugu yaraan siddeed duqeyn ay dhaceen bishan oo kaliya, iyadoo tan ugu dambeysay ay dhacday Talaadadii, laguna bartilmaameedsaday fariisimo Daacish ku lahayd Buuraha Cal-Miskaad, halkaas oo ciidamada Dowladda Puntland ay muddo ku dhowaad sanad dagaal kula jireen kooxda.

AFRICOM ayaa sheegay in duqeymaha la beegsaday qolyo ka tirsan kooxda oo ku dhuumaaleysanayay aagagga buuraha ah, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo awoodda kooxda ee gobolka. Dowladda Puntland ayaa dhankeeda sheegay in iskaashiga ay la leeyihiin ciidamada Maraykanka uu si weyn u xoojiyay dagaalka ka dhanka ah kooxaha x extremism-ka ah.

Ma jirto illaa iyo hadda warar madax-bannaan oo xaqiijinaya khasaaraha saxda ah ee ka dhashay duqeymaha ugu dambeeyay, hase yeeshee saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in weerarradu ay ahaayeen kuwa si gaar ah u qorshaysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda.

Kooxda Daacish ee Puntland ayaa weli ku sugan qaybo ka mid ah buuraha Calmiskaad, balse saraakiisha ammaanka ayaa ku adkeysanaya in cadaadiska joogtada ah ee Maraykanka iyo Puntland uu si weyn u ciribtiray awooddii ay ku lahaayeen gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM