Agaasimihiii W. Haweenka Dowlada Federaalka oo xabsiga loo taxaabay

Image

December 11, 2014 (GO)- Booliska Dowladda Federaalka ayaa magaalada Muqdisho ku xirey agaasimihii Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Maxamed Cumar Nuur.

Amarka mas'uulkaas lagu xiray ayaa lagu soo waramayaa inuu si wadajir ah uga soo baxay xafiisyada hanti-dhowrka iyo xeer ilaalinta guud.

Inkastoo dowladdu weli ka hadlin, waxaa hadana wararka hordhaca ah ee la helayaa sheegayaan in loo haysto eedaymo la xiriira musuq maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.

Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo shir saxaafadeed goor dhow Muqdisho ku qabatey, waxay si kulul u cambaareysey xarigga loo geystey agaasimaha.

Marwo Khadiijo ayaa tallaabadaas ku tilmaantay mid sharciga aan waafaqsaneyn, iyadoo intaas raacisay in kahor intaan la xirin mas'uulkaas ay ahayd in iyada lagu soo wargeliyo.

Dhowaan ayey ahayd markii qoraal kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka lagu sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee kalsoonida lagala noqdey aanay dalka ka bixi karin ilaa iyo inta lagala xisaabtamayo islamarkaana ay xilalka si rasmi ah u wareejinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM