Ahlu Sunah oo ka digey colaad ka dhacda gobolada dhexe [Dhageyso]

Image

Madaxweyne ku xigeenno ka tirsan Maamulka Ahlusunna ee gobollada Dhexe oo warbaahinta la hadlay iyagoo ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa ka digay in colaad laga dhex huriyo shacabka dega gobollada Dhexe.
 
Xasab Gaboobe iyo Daacad oo ah Madaxweyne ku xigeenada Maamulkaas ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in ciidamo iyo hub ay ku daad gureyneyso Cadaado taas oo uu ku sheegeen mid lagu khal-khal gelinayo ammaanka gobolka Galgaduud sida ay hadalada u dhigeen.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa shir ay marti gelisay lagu soo dhisay maamul dowladda iyo Beesha Caalamku aqoonsan yihiin ee Galmudug xilli Ahlusunna Waljamaacana ka bar bar dhiseen maamul kale oo loogu magac darey dowlad goboleedka gobollada Dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM