AKHRISO: Degmooyinka Banaadir oo Guddoomiyaal loo magacaabay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Wareegto kasoo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa lagu magacaabay Guddoomiyaal cusub oo ay yeelanayaa degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana xilka la qaaday mas’uuliyiinta hayay badankooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa xaflad dhacday caawa fiidkii ku shaaciyay magacyada xubnaha la magacaabay oo u badnaa dhalinyaro ku cusub siyaasadda waxaana ku jira haween.

Dhammaan mas’uuliyiintii hayay xilalka guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xilkii laga qaaday marka laga reebo; Guddoomiyaasha degmooyinka Huriwaa iyo Kaxda.

Guddoomiyaha Huriwaa majirto xilka kaqaadis lagu sameeyay, halka Guddoomiyihii Dharkeenley Cabdifataax Yaanyo loo soo wareejiyay degmada Kaaraan.

Magacyada Gudoomiyeyaasha cusub ee gobolka Banaadir ee hadda la magacaabay

1- Degmada C/casiis: Sharmaarke Maxamed Ladane

2- Degmada Kaaraan: C/fataax Nuur cali yaanyo

3- Degmada Shibis: Safiyo Sheekh Cali Jimcaale

4- Degmada Yaaqshiid:  Axmed Xasan Maxamuud

5- Degmada Howlwadaag:  C/kariin Cali Kaar

6- Degmada Hodan: Maxamed Axmed Cantoobo

7- Degmada Dayniile: C/wali Nuur Faarax

8- Degmada Wadajir: Cumar C/llaahi Xasan

9- Degmada Dharkeenley:  C/raxmaan Siid cali

10- Degmada Shingaani: Basmo Cumar Axmed

11- Degmada xamerweyne: Cumar Shariif Maye

12- Degnada Xamar Jajab: C/wali C/llaahi Maxamed

13- Degmada Waabari Rowdo C/llaahi

14- Degmada boondheere:  Zeinab Yuusuf Wehliye

15- Degmada Warta Nabada Zeinab Maxamuud Warasame.

Tallaabadan ayaa muddooyinkii dambe laga hadal hayay magaalada Muqdishu, waxaana wararka qaybtood sheegayaan in xubnaha qaar kamid ah loo maray nidaamka wax ku qaybsiga beelaha ee 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM