​AKHRISO: Magacyada xubnaha Aqalka Sare ku guulaystay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Somalia-Doorashooyin kala duwan oo maanta ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydho oo xarumo u ah maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa lagu dooranayay xubnaha u matali doono Aqalka Sare.

Barlamaanka labadaasi maamul, ayaa cod u qaaday murashaxiin booskaasi raadinayay, waxaana dowladda goboleed kasta soo saareen 8 xubnood.

Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa soo saaray xubnihiisa u matalaya Aqalka Sare, kuwaasoo ay kusoo baxeen Sideed qof oo labo dumar yihiin, kuwaasoo kala ah;

  1. Zamzam Ibraahim Cali
  2. Timiro Maxamed Cali
  3. Xuseen Sheekh Maxamuud
  4. Aadan Cabdi Aadan
  5. Ilyaas Cali Xasan
  6. Cabdikaafi Macalin Xasan
  7. Xuseen Cali Xaaji Cabdalla
  8. Cabdulaahi Cabdi Jabriil.

Dhinaca kale Xildhibaanada Jubbaland, ayaa kalsoonidii siiyay, 8 qof oo kala ah;

  1. Xasan Faarax Xujaale
  2. Axmed Xaashi Maxamud
  3. Cabdulahi Sheikh Ismaaciil
  4. Mowliid Xuseen Guhaad
  5. Axmed Cabdixafiid Maxamed
  6. Iftiin xasan baasto
  7. Axmed Macalin Cumar
  8. Faadumo Xasan Aadan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa bogaadin u diray, shakhsiyaadka guulaystay, wuxuuna ALLE uga baryay inuu howsha dusha loo saaray u fududeeyo, inkastoo doorashada looga adkaaday xubna uu doonayay inay soo baxaan.

Maamulka Puntland, ayaa la filayaa inuu maalinta Barri ah soo saaro xubnihiisa matalaya Aqalka Sare oo ka koobnaan doonta 11 qof, kuwaasoo maata jeediyay khudbadahooda ku aadan waxqabadka ay la imaan doonta iyo taariikh nololeedkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM