​Akhriso: Xildhibaanada kusoo baxay doorashooyinka ka dhacay Jowhar, Baydhabo iyo Kismayo

Image

KISMAYO, Somalia- Maamullada Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa maanta qabtay Doorashooyink Aqalka hoose oo ka dhacday xarumahooda Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo.

Doorashada Baydhabo waxaa kusoo baxay;

1.Isgowe Derow Isak

2.Ali Sheikh Mohamed

3.Salim Aliyow Ibrow, oo soo noqday Wasiirka Xanaanada Xoolaha 2014

4.Mohamed Isak Afarale

5.Ahmed Omar Islow

6. Abdalla Hussein Ali, oo ah ku xigeenka Wasiirka Difaaca DFS iyo Xildhibaan hore

7.  Ahmed Mayow Abdulle.

Maamulka Koonfur Galbeed oo leh Kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka, oo  gaaraysa 69 ayaa ilaa hadda dooratay 37 Xildhibaan, waxaana u haray 32 kale, oo waqtiyada soo aadan la dooran doono sida qorshuhu yahay.

Maamulka Galmudug, ayaa sidoo kale degmada Cadaado maanta ku doortay Saddex Xildhibaan oo kala ah;

1.Abdiweli Qanyare, oo ah Wiil uu dhalay Hogaamiye kooxeedka Maxa'ed Qanyare Afrax

 2.Abdikarim Khalif

3.Warsame Mohamed Hassan, oo hore usoo noqday ku xigeenka duqa Magaalada Muqdishu.

Tirada Xildhibaanad aqalka hoose ee Galmudug ilaa hadda dooratay waxay gaarayaan 21 Xildhibaan.

Doorashada Kismaayo oo heer gabo-gabo ah maraysa ayaa waxaa lagu doortay Hal Xildhibaan, sababto ah Taliyaasha ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska Somalia oo booqasho ku tagey xarunta doorashada.

Xildhibaanka la doortay ayaa lagu magacaabaa Cali Cusmaan Xersi, kaasi oo ku guulaystay 27 Cod, isagoo ka adkaaday Xildhibaan hore oo lagu magacaabo Axmed Aadan Axmed.

Jubbaland ayaa dooratay 41 Xildhibaan, oo kamid ah 43 mudane ee ay ka heshay 275-ta Kursi ee Baarlamaanka Federaalka ee loo dhisayo Soomaaliya.

Kuraasta harsan ayaa waxaa kamid ah midka Beesha uu kasoo jeedo Wasiirka Bartoolka Somalia Maxa'ed Mukhtaar Ibraahim, oo markii lagu helay Musuq-maasuq laga joojiyay Tartanka Doorashada.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in Jubbaland ay dhamaystirto Howsha Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose oo in ka badan Labo Todobaad ka socotay magaalada Kismaayo, ee xarunta maamulkaasi.

Doorashada Aqalka hoose ee Hir-Shabeelle waxaa kusoo baxay 5 Xildhibaan oo kala ah;

1. Mohamed Mohamud

2. Yusuf Hussein (Black)

3. Samiro Hassan

4. Abdullahi Olad, ku xigeenka Wasiirka Warfaafinta DFS

5. Yusuf Ahmed

Kursiga Beesha Jidle, oo uu kasoo jeedo Wasiirka Dhalinyarada iyo  Cayaaraha ayaa hakad la geliyay, oo dib loo dhigay, maadaama Beeshaasi ka dhextaagan yahay Khilaaf ku aadan cid u matalaysa Baarkamaanka.

Doorashada socota, ayaa noqotay mid uu hareeyay musuqmaasuq iyo handadaad ka imaanaysa mas'uuliyiin katirsan dowladda waqtigu ka dhammaaday ee Somalia, waxaana qoraal kasoo baxay beesha Caalamka walaac looga muujiyay sida wax ku socdaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM

Xasan Sheekh oo casuumad rasmi ah u diray siyaasiyiinta mucaaradka

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la sheegay in ka caga-jiidayaan ka qeybgalka kulanka, maadaama ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 09:33AM