Aktar caan ah oo lacag u aruuriyay dadka Somaliyeed

Image
Image

Aktarka caanka ah ee reer Mareykan Ben Stiller ayaa Bartiisa Twitterka ka bilaabay Olole uu Turkish Airline kaga dalbanaayo in ay ku deeqaan hal diyaarad oo weyn oo qaada Cunto iyo Cabitaan si ay u gaarsiyaan Dadka Somaliya ku dhibaateeysan.

Wuxuu Taageerayaashiisa ka codsaday in qof walba Cinwaakiisa uu soo dhigo Kalmadda (TuskishairlinehelpSomalia), waana dhacday in malaayiin qof campaign-ka ka qeyb qaataan.

Turkish Airline oo aragtay codsiyada loo soo gudbinayo ayaa si rasmi ah Boggooda kusoo daabacday, "Waan jecelnahay Somaliya, waana aqbalnay in si Free aan ku qaadno Gargaarka Somaliya la geynaayo."

Fikirka lagu caawinayo Somalida abaarta ay heyso waxaa markii hore bilaabay Jeromme Jarre oo ah 26 jir u dhashay France.

Hada Aktarka iyo Taageerayaahiisa ayaa 24 saac ee ugu dambeeysay Iska aruuriyay lacag  ka badan Hal Milyan oo dollar.

Kharashkaas ayaa lagu gadi doonaa Cunto, Cabitaan, Dhar, Daawooyin iyo Gargaar kale.

Arintaan ayaa baraha bulshada qabsatay, Waxaana wali socda Ololaha gurmadka abaaraha Somalia.

Diyaarad nooceeda uu yahay TK686 Turkish Airlines ayaa 10 maalin u qabatay actarka in uu Kusoo diyaariyo Gargaarka dhan 60 Kun oo tan, waana diyaarad aad u weyn oo qaadi karta Gargaar ka badan 5 Milyan oo Dollar.

27 bishaan ayaa lagu wadaa diyaaradaas oo sida Gargaar badan in ay soo cago dhigato Muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid xilli sidaan oo kale nin u dhashay dalka Afghanistaan uu dalka Ingiriiska uga bilaabay olole loogu gurmanayo dadka Somalia.

Waxaa sidoo kale jira ajaanib ka dhiidhiyaysa xaaladda adag ee ay wajaheen shacabka Somaliyeed kuwaasoo haatan u dhimanaya abaaro iyo xanuuno ka dhashay nafaqo darrada baahsan kajirta dalkan dhaca Geeska Africa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM