Al shabaab iyo Ciidamada Ethiopia oo ku dagaalamay Halgan

Image

HALGAN, Somalia - Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Dagaalyahanno katirsan Ururka Al shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Ethiopia ee deegaanka Halgan.

Xoogaga Al shabaab ayaa dhowr Jiho ka weeraray Deegaanka Halgan, waxayna gudaha isku fara saareen Ciidamada Ethiopia, iyadoo lagu soo waramayo in labada dhinac isku adeegsadeen Hubka Culus, oo dhawaqiisa laga maqlayay deegaano fog.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalka xoogiisa uu ka dhacay Wadadka ka timaada dhanka magaalada Beledweyne, halkaasi oo Ciidamada Ethiopia ay fariisamo military ku leeyihiin.

Al shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka, sida lagu baahiyay Baraha Internet-ka ku leeyihiin, waxayna sheegeen inay qeybo katirsan Halgan kala wareegeen Ciidamada Ethiopia.

Wali lama oga Khasaaraha ka dhashay Dagaalka ka Halgan, oo dhawaan Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM dib ugala wareegeen Al shabaab.

Fahfaahinta dagaalka kala soco warakeena dambe Haddii Alle idmo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM