Al shabaab oo 5 qof ku gowracdey Degmada Tiyeeglow

Image

TIYEEGLOW, Somalia - Maleeshiyada Kooxda Al shabaab ayaa 5 ruux oo shacab ah ku gowracay degmada Tiyeeglow, ee gobolka Bakool kadib markii Bisha October kala wareegeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Somalia.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Baarlamaanka Somalia, ayaa xaqiijiyay dilka 5-ta qof, isagoo intaasi ku daray in sababta loo gowracay ay tahay shaki ah inay la shaqeeyaan  Ciidanka Ethiopia. 

Xildhibaan Afaraale wuxuu sheegay in Labo kamid ah 5-ta qof ee la dilay ay ahaayeen Ganacsato, ay Al shabaab ku eedeeyeen inay wax ka iibin jireen ciidamada Ethiopia, ee isaga baxay degmadaasi.

Dhinac kale, Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in shacabka degmada billaabeen Barakac xoogan, kadib markii ay Al shabaab dileen dhowr qof oo kamid ahaa dadka deegaanka, kuwaasi oo qaarkooda ay gowraceen. 

Dadka ayaa u barakacay dhanka deegaanada ku dhaw xadka Ethiopia iyo magaalooyin ku yaallo gobolada Gedo iyo Baay.

Al shabaab kama aysan hadlin dilka lagu eedeeyay iyo Barakaca la sheegay inuu ka socdo Tiyeeglow, oo dhawaan gacantooda gashay.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM