Al Shabaab oo 5 ruux ku toogatay duleedka Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa shan nin oo ay ku eedaysay basaasnimo ku toogatay duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Shanta qof oo lagu kala magacaabayay Mahad Cali Xasan, Jibriil Saalax Xaaji, Mahad Cabdi Axmed, Maxamed Cali Aadan iyo Cabdicasiis Ibraahim ayaa waxaa lagu toogtay meel fagaaro ah oo ku yaalla deegaanka Iidaale, oo 60KM dhanka Koonfur uga beegan Baydhabo.

Qaadi katirsan Maxkamadda Al Shabaab ayaa shaaciyay in raggan la dilay ay uu shaqeynayeen Hay'adaha Sirdoonka Mareykanka, Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyagoo xogta uga soo gudbin jiray deegaanada ay maamulaan.

Boqolaal dadweyne ah oo isagu jiray rag, dumar iyo caruur ayaa usoo daawasho tagey toogaashada shanta nin ee Al Shabaab kusoo eedaysay jaajuusnimada.

Inta badan, Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho waxay ka fulisaa dilalka noocan ah, iyadoo aan jirin qareeno madax-banaan oo ay u qabato dadka ay kusoo eedayso basaasnimada, xatooyada iyo kufsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM