Al-Shabaab oo dagaal "kula wareegtay" deegaan muhiim ah

Image

BALCAD, Sooamaaliya - Inta la xaqiijiyay Hal qof oo shacab ah ayaa ku geeryooday kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen fariisin ciidamada xooga ku leeyihiin Tuuladda Cali Yare ee duleedka Muqdisho.

Tuuladda Cali Yare oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa dadka degan oo qaar la hadlay Warsidaha Garowe Online sheegay in uu ka dhacay dagaal leysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka oo socday muddo dhowr daqiiqo ah, ayaa waxaa ciidamada Soomaaliya ee fariisinka joogay waxay isaga carareen goobta kadib markii looga awood-roonaaday iska hor-imaad.

Xoogaga Al-Shabaab oo war qoraal ah kasoo saarey dagaalkaan waxay sheegatay inay ku qabsadeen dagaalka Saanad ciidan, islamarkaana ay gabi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta Tuulada Cali Yare.

Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo xaqiijiyay dagaalka ayaa waxay tilmaameen in uusan jirin khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dhankooda kasoo gaarey weerarka kooxda Al-Shabaab.

Balse, horjoogiyaasha Al-Shabaab u hadlay dagaalka ayaa ku faanay in dagaalkaan ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamdda xooga Soomaaliya, ee ku sugan deegaan Cali Yare, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaankaan oo dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad ayaa waxuu u yahay Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Banaadir, mid muhiim ah oo isku xira, iyadoo Shacab badan ay isaga kala gooshaan.

Qabsashadda Al-Shabaab ee deegaankaan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada xoogga dalka ay wadeen mudooyinkii dambe Howlgal saf-balaaran oo Shabaab looga saarayo deegaanada ay dalka ka joogaan.

Balse, lama oga hadii ay baaqi kusii ahaan doonaan xoogaga Al-Shabaab deegaanka ay la wareegeen, maadaama gobolka ay ku sugan yihiin ciidamo xoog leh oo hubeysan, islamarkaana isugu jira Soomaaliya, iyo kuwa AMISOM ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM