Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay Daynuuney [Fah-faahin]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegey deegaanka Deynuunay ee gobolka Bay, aroornimadii maanta oo Khamiis ah kadib markii ay weerar ku qaadeen xalay, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dagaal culus ka gashay Ciidamadii ku sugnaa Deynuunay oo qiyaastii 20KM dhinaca bari uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kahor inta aysan la wareegin.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa ka dhashay Khasaaro dhimasho oo gaaraya ugu yaraan saddex qof oo labada dhinac ah, iyadoo ay jiraan tiro intaasi ka badan oo dhaawacyo soo gaarey.

Nuuradiin Abuukar Gacma, Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka, isagoo kasoo bixitaanka Ciidamada ku tilmaamay inay ahayd "xeelad dagaal" islamarkaana ay dib ugu noqon doonaan.

"Xogtooda waan haynay. Markii ay soo galeen gudaha deegaanka, ayaa dagaal lagu bilaabay, khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse dib ayaan kasoo sheegi doonaa," ayuu yiri Nuuradiin Gacma.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in hub iyo saanad ciidan ay ka qabsadeen dagaalyahanadeeda Ciidamada ay ka qabsadeen deegaanka Deynuunay, inkastoo Afhayeenka Koonfur Galbeed uu beeniyay sheegashadaasi.

Dadka deegaanka Daynuuney ayaa la qaati ka taagnaa weeraro Joogta ah oo ay xoogaga Shabaab kusoo qaadaan Tuuladdan, taasoo baqdin ku abuurtay, maadaama tiro dhowr jeer ah, sidaan oo kale loosoo weeraray.

Weerarka saaka ayaa imaanayaa iyadoo dhawaan Shirkii Gollaha Amniga Qaranka ee Baydhabo looga dhawaaqay dagaal Shabaab looga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed, sidoo kalena la isagu furayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM