Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay degmo muhiim ah

Image

GARBAHAAREY - Dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dagaal kula wareegeen degaanka Saateelow oo ka tirsan gobolka Gedo, ee hoostaga maamulka Jubbaland.

Dagaalka oo socday muddo ku dhawaad Hal saac ah ayaa waxaa leysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aanan illaa iyo haatan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhinacyadda iyo dadka shacabka kasoo gaaray.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online inay maqleen Daryenka hubaka culus, iyo garneeladda garbaha laga ganno [RPGs], kuwaasoo ay is-dhaafsanayeen ciidamadda dowladda iyo Al-Shabaab.

Tuuladda Saateelow oo u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa gacanta u galay Al-Shabaab, inkastoo aan wali ka hadlin mas'uuliyiinta gobolka.

Faahfaahinadda laga helayo qabshadda Al-Shabaab ee degaanka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadda dowladda ee ku sugan degmooyinka ku dhow tuuladda ay wadaan Guluf ay dib ugula wareegayaan degaanka kawadaan ciidamada Jubbaland.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab ay la wareegtay degaanka Qalimow ee gobolka, halkaasoo markii dambe ay isaga baxeen, wallow aanan la hubin hadii degaanka Saateelow ay dib uga bixi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM