Al Shabaab oo dagaal kula wareegtay Goofgaduud

Image

GOOFGADUUD, Somalia- Dagaalyahanno katirsan ururka  Al shabaab ayaa saka dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud, oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Mid kamid ah dadka deegaanka, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Al shabaab ay qabsatay deegaankaas, kadib markii ciidanka dowladdu ay isaga baxeen.

Al Shabaab ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaadey Goofgaduud xalay, kahor inta aysan la wareegin. Khasaarooyin kala duwan ayaa labada dhinac kasoo gaarey dagaalka.

"Dagaalyahano katirsan Al shabaab ayaa si buuxda hadda gacanta ugu dhigay Goofgaduud, waxaana ay calankooda madow ka taageen xaruumaha Booliska iyo maamulka, waxaana ay dadka kula hadleen goob fagaaro ah," Ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada dowladda Somalia ee laga soo saarey deegaanka Goofgaduud, ay dib ugu laabteen magaalada Baydhabo.

Wali maamulka Koonfur Galbeed kama uusan hadlin la wareegista Goofgaduud.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM