​Al Shabaab oo degmada Saakoow ku dirshay saddex oo Basaasiin ay ku eedeeyeen

Image

SAAKOW, Somalia- Malleeshiyada Ururka Al Shabaab, ayaa Saddex qof oo Shacab ah waxay ku toogteen degmada Saakow, ee gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa meel Fagaaro ah oo ku yaalla degmada Saakow ku dilay Raggan, oo lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Axmed, 51 Jir, Libaan Xuseen, 21, iyo Maxamed Salaad oo 31 Jir ahaa.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Degmada Saakow oo ka hadlay Goobta Toogashada ka dhacday in Ragga ay dileen u basaasi jireen ciidanka Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM iyo Sirdoonka Mareykanka (CIA).

Bulshada Degmada Saakow, oo caruur iyo dumar ay ku jireen, ayaa daawanaayay qaabka ay u dhacday toogashada wadareedka Al Shabaab ku fulisay 3-da Qof ee Shacabka ah.

Bishan horaanteeda, Al Shabaab ayaa Dilal noocan ah ugu geestay degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe Muwaadiniin u dhashay dalka Kenya iyo kuwa Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen Basaasnimada.

Ururka Al shabaab oo looga adkaaday dagaalka ka socda Koonfurta waddanka Soomaaliya, ayaa inta badan Dilalka noocan ah kuu fuliya dadka ay uga shakiyaan inay Jaajuus u yihiin Sirdoonka dowladda Somalia iyo kuwa Ajnabiga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM