​Al Shabaab oo dhowr weerar ka fulisay gobolka Shabeellaha hoose

Image

QORYOOLEY, Somalia- Malleeshiyada Kooxda Al shabaab ayaa xalay dhowr weerar ka fuliyay saldhigyo ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarada ayaa waxay ka dhaceen saldhigyo military oo ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Lambar-konton, Qoryooley iyo Ala-yasir, sida lagu qoray Warbaahinta Al shabaab.

Al shabaab waxay sheegtay in tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhigyada AMISOM iyo ciidanka dowladda Somalia, ee degmada Qoryooley, oo qiyaastii 120Km Koonfur-galbeed uga beegan Muqdishu.

Weerarada oo ahaa kuwo gaadmo ah, ayaa la sheegay in ciidamada AMISOM  iska caabiyeen Maleeshiyada Al shabaab, oo inta badan weerarada ku-dhufo ka dhaqaaq ah ku qaado deegaanada ay maamusho dowladda Somalia.

AMISOM iyo Saraakaiisha ciidamada Dowladda Somalia ee gobolka Shabeellaha hoose kama aysan hadlin weerarada ay Al shabaab sheegeen inay ka geesteen xalay gobolkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM