Al-Shabaab oo dib looga qabsadey degmadda Balcad

Image
Ugu yaraan 4 ka trsan ciidamada dawladda ayaa ku dhintay weerarkaas

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Shabelelada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay ka saareen magaalada maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo halkaasi soo galay saacadihii hore ee saaka.

Xogta ay idaacadda VOA ka heshay dadka degaanka ayaa sheegaysa in dagaal uu ka dhacay bartamaha magaalada gaar ahaan agagaarka xarunta degmada iyo bar kontorool.

Ciidamada dawladda ayaa dadka degaanku noo sheegeen inay weerar rogaal celis ah oo ay qaadeen ay magaalada kaga saareen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ugu yaraan 4 ka trsan ciidamada dawladda ayaa ku dhintay weerarkaas sida ay idaacadda VOA u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale tebisay in weerarkaas lagu dilay 9 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

GO + VOA

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM