Al shabaab oo dib ula wareegtay Badhaadhe

Image

BADHADHE, Somalia-Malleeshiyada Al shabaab ayaa dib ula wareegtay degmada xeebta ku taala ee Badhaadhe kadib dagaallo ay la galeen ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo Militariga dowladda Kenya.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, ayaa dib uga soo baxey degmada, oo ay shalay ka saareen Al shabaab, waxaana ka bixitaankooda ku micneeyeen xeelad dagaalka. 

Degmada Badhaadhe, oo qiyaastii 200KM dhanka koonfureed uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay gacantau gashay Al shabaab Bishii January, ee 2016-kii. 

Waxaa deggan hadda xaaladda degmada, oo markale gacanta u gashay Al shabaab. 

Ciidamada kasoo baxay Badhaadhe ayaa la sheegay inay u ruqaansadeen dhanka degeenka Kulbiyoow oo qiyaastii 40KM u jiro xadka ay Somalia la wadaagtodalka Kenya, sida ay dadka deegaanka sheegeen. 

Wasiirka Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, ayaa shalay u sheegay warbaahinta in la wareegista Badhaadhe ay qeyb ka tahay howlgal military oo Al shabaab looga saarayo guud ahaan Jubbooyinka iyo Gedo. 

Al shabaab ayaa ku sugan degmooyin iyo deegaano ku dhaw Kismaayo, oo Buulo-Gaduud ay ka mid tahay , halkaasi oo dhowr Jeer ka dhacay duqeymo lagu dilay Xubno sare oo kamid ah Kooxda. 

Ciidamada Kenya, oo dalka soo galay Oct. 2011 ayaa waxaa ku fashilmey Howlgalka ay AMISOM u xilsaartay ee ah inay Al shabaab ka saaraan guudahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM