Al Shabaab oo dib ula wareegtay deegaan muhiim ah

Image

MAHADAAY, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa saaka dib ula wareegtay gacan ku heynta deegaan muhiim ah, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in dagaalyahanado katirsan Kooxda ay gudaha u galeen Tuulada Cali Fool-Dheere, oo qiyaastii 12KM dhanka Waqooyi uga beegan degmada Mahadaay.

Al Shabaab ayaa dagaal la'aan kula wareegtay deegaanka, kadib ay markii ay ka baxeen Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kuwaasi oo u guurey deegaan kale oo gobolka ku yaalla.

Lama oga sababta Ciidamada AMISOM u faarujiyeen Deegaankan, oo ah mid muhiim ah oo isku xira deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen weeraro iyo dagaallo.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo AMISOM wali kama aysan hadlin sabata ka bixista deegaanka, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xili uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan sheegay in Al Shabaab laga saarayo guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM

Shirka Xalane oo soo dhammaaday iyo Mucaaradka oo isugu tegaya Hotel Airport

Madaxdii mucaaradka ee shirka ku matalaysay dhinaca kale ayaa hadda u soo jiheystay Hotel Airport.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 11:11AM