Al Shabaab oo dib ula wareegtay deegaan muhiim ah

Image

MAHADAAY, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa saaka dib ula wareegtay gacan ku heynta deegaan muhiim ah, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in dagaalyahanado katirsan Kooxda ay gudaha u galeen Tuulada Cali Fool-Dheere, oo qiyaastii 12KM dhanka Waqooyi uga beegan degmada Mahadaay.

Al Shabaab ayaa dagaal la'aan kula wareegtay deegaanka, kadib ay markii ay ka baxeen Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM, kuwaasi oo u guurey deegaan kale oo gobolka ku yaalla.

Lama oga sababta Ciidamada AMISOM u faarujiyeen Deegaankan, oo ah mid muhiim ah oo isku xira deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen weeraro iyo dagaallo.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo AMISOM wali kama aysan hadlin sabata ka bixista deegaanka, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xili uu Madaxweyne Farmaajo dhawaan sheegay in Al Shabaab laga saarayo guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM