Al shabaab oo dishay Askari Kenyan ah oo Maxbuus u ahaa [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

JILIB, Somalia - Al shabaab ayaa dishay Askari u dhashay dalka Kenya oo maxbuus u ahaa, tan iyo markii ay kusoo qabteen Weerarkii saldhiga ciidamda KDF ee deegaanka Ceel-cadde, kaasi oo dhacay Bishii January 15, 2016.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Leonard Maingi ayaa waxaa dilkiisa lagu soo bandhigay Muuqaal ay baahisay Al shabaab, kaasi oo Askariga fariin ugu dirayay dowladda Kenya, oo uu ugu baaqayo inay ciidankeeda kala baxdo Somalia.

Intaasi kadib, Dagaalyahan katirsan Al shabaab oo gacanta ku haysta Bastoolad, oo wajiga soo duubtay ayaa kasoo muuqday Muuqaalka, wuxuuna toogtay Askariga, markii uu dhamaystay dardaarankiisii ugu dambeeyay ee Eheladiisa, Saaxiibadiisa iyo Dowladiisa Kenya ee soo dirsatay.

Muuqaalka oo 13 Daqiiqo soconayay ayaa waxay Al shabaab ku sheegeen in Leonard Maingi uusan ahayn Askarigii ugu dambeeyay ee ku jira gacanteeda, waxayna ku hanjabtey inay dilayso maxaabiista kale, haddii aan dalabkooda loo fulin, oo ah in Ciidanka Kenya ka baxaan Somalia.

Dowladda Kenya ayaan ka hadlay dilka Askarigeeda, kaasi oo horey inta aan la dilay dhowr jeer uga dalbaday inay naftiisa badbaadiso. Al shabaab waxay sanadkan horaantiisa sidan oo kale u toogatay Askari kasoo jeeda dalka Kenya, oo isna lagu soo qabtey weerarkii Janaale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM