Al Shabaab oo isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ka joojisay gobolka Hiiraan

Image

BALADWEYNE- Gobolka Hiraan ayaa waxaa ka taagan dhibaato ku aadan isticmaalka Shilin Soomaaliga kadib markii Ganacsatadu diidey iney badeecadahooda ku iibsadaan lacagta uu leeyahay dalkaan dagaalada sokeeye ay ka socdeen muddo ku dhow Sodon Sano.

Ururka Al- Shabaab oo ka arimiya inta badan dhulka baadiyaha ah ee ku hareereysan magaalooyinka waaweyn ee gobolka Hiraan ayaa amar uu horey ugu soo rogey isticmaalka qaar ka tirsan lacagta ( 1000 Shilin Soomaaliga) ayaa waxay saameyn balaaran ku yeelatey nolosha dadka ku nool gobolka Hiiraan iyadoo khasab noqotey in wax lagu kala iibsado doolarka.

” Ma jirto lacag Shilin Soomaali ah oo aan ku qaato shaqada aan qabanayo taas oo waxyeelo u gaysatey dakhligii aan ka heli jirey gaari Bajaaj ah aan wado.” Sidaas waxaa yiri darawel wada gadiidka dadweynaha magalaada Baladweyne.

Dadweynaha ku nool gobolkaas ayaa waxaa khasab ku noqodey qof walba inuu furto adeega wax la isugu xawilo taleefanka ‘EVC’  kasoo sahla in  lacagta dollarka wax lagu kala iibsado.

Isticmaalka adeegaan ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshey dadkii danyarta ahaa oo lacagta Shilin Soomaaliga ku heli jirey qutul yoonkooda.

” Waxaa hoos u dhacey lacagta aan ka heli jirey baalashka kabaha iyadoo aan ku khasbanaadey in aan soo furto taleefanka si dadka macaamiisha ah iigu siiyaan lacagta dollar, dhibka ugu wayn waxaa uu noqdey in dadku uusan wada haysan taleefan ay u isticmaalaan adeegaan taasoo saameyn ku yeelatey dakhligii aan heli karey.” Sidaas waxaa Idaacada VOA u sheegey Wiil kamid ah dhaliyarada ka shaqeysata baalshka ee ku sugan magalada Baladweyne.

Dhubaatada ka taagan isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah ayaa waxay sidoo kale saameyn ku yeelatey dadkii masaakiinta ahaa ee tuuksan jirey kuwasoo aan haysan adeega lacagta la isugu xawilo oo iminka ka shaqeeya gobolka Hiiraan.

Dowada Soomaaliya iyo maamulka HirShabeele ayaan gabi ahaanba ka hadlin dhibaatada shacabka gobolka Hiraan ka haysata isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah kasoo saameyn ku yeeshey nolosha dadka danyarta ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Khayre oo magalada Muqdisho ka jeediya khudbado tiro badan ay ku faanayaan ayaa weli soo hadal qaadin dhibaatada go’doominta dhaqaale ay ururka Al Shabaab ku soo rogeen dadweynaha gobolka Hiraan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM