​Al Shabaab oo jartay isgaarsiinta tuulo katirsan Mandheera

Image

MUQDISHU, Somalia- Mallayshiyaad la tuhunsayahay inay katirsanyihiin ururka Al Shabaab ayaa saqdii dhexe xalay weerar ka gaystay deegaan lagu magacaabo Fina oo kamid ah is maamul goboleedka magaalada Mandera ee gobolka Woqooyi Bari dlaka Kenya.

Taliyaha booliiska ee deegaanka Lafey Bosita Omukolongolo ayaa sheegay in weerarka uu dhacay waqti dambe habeenkii  khamiista isagoo xusay inay jareen isgaarsiintii deegaankaasi.

Wuxuu sheegay in iska hor-imaad dhexmaray ciidamada Booliiska iyo kooxda weerarka soo qaaday isagoo meesha ka saaray inay jiraan khasaaro ka dhashay.

 “Waxaa jiray rasaas xoogan oo ay is weydaarsadeen kooxdii weerarka soo qaatay iyo booliiska deegaanka ammaankiisa gacanta ku hayay, laakiin ma jirin wax khasaare nafeed ah oo ilaa iyo hadda la soo wariyay, ” Ayuu hadalkiisa raaciyay taliyaha.

Omukolongolo ayaa intaasi raaciyay inay wadaan qorshayaal ay ku baadi goobayaal halka ay jaan iyo cirib dhigeen mallayshiyadaas isagoo dhinaca kale tilmaamay inay hubinayaan tirada ciidamadooda goobtaasi joogay.

 “Waxaan ogaanayna tirada saraakiisha booliiska ee halkaas joogay markii xalay weerarka uu dhacayay waana soo tiranay dhammaan ciidanka booliiska,” Ayuu yiri Mr Omukolongolo.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli xubno katirsan Al Shabaab dhawr jeer oo hore dilal iyo weeraro ka gaysteen degmada Mandheera.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM