​Al Shabaab oo ku dishay Jilib nin u dhashay Tanzania

Image

JILIB, Somalia- Kooxda Al Shabaab ayaa degmada Jilib ku dishay Nin u dhashay dalka Tanzania, oo lagu magacaabi jiray Issa James Mwaisige, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Sirdoonka Rwanda iyo Mareykanka.

Issa James Mwaisige, ayaa kasoo muuqday Video Cusub, oo Al Shabaab ku baahisay Baraha Internet-ka, waxaana lagu arkay Muuqaalka Ninkan oo qiranayo inuu ahaa Jaajuus.

Al Shabaab waxay sheegtay in  Issa James Mwaisige uu lacag dhan $4,000 oo USD ka qaadan jiray Bil kasta Sirdoonka Dalalka Mareykanka (CIA) iyo kuwa Rwanda si uu ugu basaaso Howlgalladooda.

Issa James Mwaisige ayaa katirsanaa Kooxda Al Shabaab mudo sanado ah, waxaana gacanta ku dhigay Amniyaatka Al Shabaab, oo ku eedeeyay inuu yahay Basaas ku dhexjiro oo ay soo adeegsadeen Sirdoonka Mareykanka iyo Rwanda.

Waxaa lagu tootgay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo Al Shabaab ay sheegeen inuu qirtay danbiyadii lagu soo eedeeyay.

Issa James Mwaisige ayaa ka shaqeynayay inuu u gacan geliyo Mareykanka ama u sahlo Dilka Hogaamiyaasha sare ee Al Shabaab iyo inuu ogaado tirada Dagaalyanada Ajnabiga ah ee ku sugan Somalia.

Maaha markii ugu horaysay ee ay dilaan ruux Ajnabi ah oo kooxdaasi ku tuhmeen inuu gacan saar la leeyahay waddamada kula jira dagaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM