Al-Shabaab oo la sheegay in duqeyn "looga dilay" 200 dagaalame

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgalka ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay 200 kamid ah maleyshiyada Al-Shabaab kadib duqeyn cirka ah oo milatariga Mareykanka kula beegsadey koonfurta waddanka.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed dowladdu soo saartey Axadii, howlgalkan ayaa ka dhacay degaanka Hareri Gubadle ee magaalada Wabxo ee gobolka Galgaduud, waqoyna uga beegan Muqdisho.

Bayaankan ay faafisay warbaahinta dowladda ayaa lagu caddeeyay in weerarka lagu qaadey wadashaqeyn dhexmartay ciidamadda xoogga Soomaaliyeed iyo milatariga Mareykanka.

Hase ahaatee, warka qoraalka ah ayaan lagu soo bandhigin tafaasiil ku saabsan sida howlgalka loo fuliyey iyo hadii xubnaha la khaarijiyey ay kamid yihiin horjoogeyaal ka tirsan kooxda hubeysan.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaan wali wax war ah kasoo saarin howlgalkan. AFRICOM waxay todobaadkii hore dib u bilowday howlgalada Soomaaliya kadib bilooyin uu hakad ku jiray.

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya ee caalamka taageero. Kooxda hubeysan waxay gacansaar dhow la leedahay maleyshiyadda Al-Qaacida ee ka dagaalanta qaar kamid ah dalalka Islaamka.

Duqeymaha milatariga Mareykanka ayaa loo arkaa mid si weyn uga qeyb-qaadan kara dedaaladda lagu ciribtirayo maleyshiyadda maadaama ay yihiin awood aysan u bac-bac dhigi karin kooxda argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM