​Al Shabaab oo la wareegay Rabdhuure, gobolka Bakool

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka ka imaanaya degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, ayaa sheegaya in mallayshiyaad katirsan ururka Al Shabaab la wareegeen gacanta ku haynta deegaankaasi kadib markii ay ka baxeen ciidamo katirsan AMISOM iyo dowladda Somalia.

Qoraal ururka Al Shabaab soo dhigeen barahooda taageera ee Internet-ka, waxay ku sheegeen inay gacanta ku hayaan deegaankaas oo ay maamulayaan iyadoo nabdoon.

Lama oga sababta ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda uga baxeen degmada Rabdhuure.

Horay ayaa sidaan oo kale ururka Al Shabaab ula wareegeen deegaano ay ka baxeen ciidamada huwanta ah.

Xaaladda degmada ayaa lagusoo waramayaa inay haatan dagantahay, balse dadweynaha ayaa ka cabsi qaba inay ka dhacaan dagaallo maadama sidaan oo kale horay labada dhinac ugu dagaallameen deegaano ciidanka dowladdu ka baxeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM