Al-Shabaab oo la wareegtay degaan ku dhaw Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa saakay la wareegtay degaan ku dhaw magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug, iyadoo aan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidankii halkaas ku sugnaa.

Waxay dadka ku nool Ceel-Dheere sheegeen in Al-Shabaab ay gudaha degaanka soo gashay, kadibna ay gubtay dhismooyinka saldhiga booliska iyo xarunta maamulka, iyadoo qaadatey wixii yaallay kahor inta aysan ka bixin.

Ceel-Dheere wuxuu 30-KM u jiraa Dhuusamareeb, oo dhinacyada uga wareegsan yihiin hadda Ahlu Sunna iyo Al-Shabaab, taasoo adkaysay isku socodkii magaalooyinka gobolka Galgaduud, ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Waa degaankii 2aad oo Al-Shabaab la wareegayso mudo hal todobaad gudihiisa, iyadoo maalin kahor qabsatay degmada Matabaan, oo katirsan Hiiraan, balse maamul ahaan hoos yimaada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM