Al shabaab oo Labo u dhalatay dalka India ku dishay Jilib

Image

JILIB, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa Labo muwaadin oo u dhashay dalka India waxay ku dishey degmada Jilib, ee gobolka Jubbada Dhexe.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jilib ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Al-Shabaab ay dileen labadaasi nin, kadib markii ay uga shakiyeen inay la shaqeeyaan Sirdoonka Reer Galbeedka.

Labada Nin ee kasoo jeeda India oo wali magacyadooda la sheegin, ayaa waxay kamid ahaayeen ragga ajaaniibta ah, ee ka barbar-dagaalami jiray Al shabaab.

Al shabaab kama aysan hadlin dilka labadan qof ee Ajnabiga ah.

Waxaa jira warara hoose oo sheegaya in hogaamiyaasha qaar ee Al shabaaba ay ka shaqeynayaan in ay ku biiraan Daacish, balse culeys ay kala kulmayaan hogaanka sare ee Kooxdan iyo Amniyaatkeeda.

Hogaamiyihii hore ee Al shabaab Axmed Godane ayaa diley dhowr hogaamiye, oo ay kamid ahaayeen Ibraahim Afghan, oo kamid ahaa Aas-aasiyaasha Kooxda iyo Abu Mansoor Al-Amriki oo u dhashay Mareykanka, kadib markii ay kasoo horjeesteen Fekerkiisa gurracnaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM