Al-Shabaab oo "laga dilay" saraakiil ay ajaaniib ku jiraan

Image

SABLAALE, Shabeellaha Hoose - Tirro 12 Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay howlgal ay ciidamadda Soomaaliya ka fuliyeen degmadda Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay ku warantay warbaahinta dowladda.

SNA Radio, oo ah Idaacadda ku hadasha afka milatariga, ayaa Axadda maanta ah waxay warisay in howlgalkaas ay fuliyeen ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Danab.

Sidda lagu daabacay mareegga Idaacadda, howlgalka ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyey xaruntii Jabhadaha ee xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

Xubnaha la dilay oo ay kamid yihiin "horjoogeyaal" ayaa, sidda laga soo xigtay saraakiil u warantay SNA Radio, waxay isugu jiraan Soomaali iyo ajaaniib.

Idaacadda ayaa magacyadda xubnaha la khaariyey waxay ku kala sheegtay; "Suleymaan Abuu Maxfuud oo ahaa kuxigeenka horjoogaha Jabhadaha ama maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab una dhashay Dalka Tanzania,Abuu Yaasir Yaxiid oo heesta dhalashada Suuriya oo kooxdaasi u Qaabilsanaa Amniga Xerada Jabhadaha Al-shabaab, iyo Horjooge Xasan Maxmed Cismaan oo qaabilsan Howlgalinta Maleeshiyaadka  Jabhada Argagixisada".

Marka laga soo tago sheegashadda warbaahinta dowladda, ma jirto wax war ah oo ku saabsan howlgalkaas kana soo baxay dhinaca Al-Shabaab.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah goboladda ay joogitaanka ugu badan ku leedahay Al-Shabaab isla markaana ku yaaliin fariisimaha laga soo abaabulo weerarada ay ka fuliso magaalooyin ah ku jirto Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM