Al-Shabaab oo laga saaray bugcaddii ugu dambeysay ee Hiiraan

Image
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Jeneraal Caanood ayaa sheegay in Alshabaab laga qabsaday afar tuulo cusub.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib seddex bilood iyo dheeraad oo ay socdeen hawlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ay Iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda, ayay u muuqataa in haatan la gaaray guul la taaban karo.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Jeneraal Caanood ayaa sheegay in Alshabaab laga qabsaday afar tuulo cusub oo ay ka mid tahay tuulada Mabaax oo ah tii ugu dambeysay ee Bariga Hiiraan ay ka haysteen Al-Shabaab.

Marka laga tago deegaanada Al-Shabaab lga qabsaday, dowladda waxa ay si joogto ah u sheegtaa tirakoobyo ku saabsan dagaalamayaasha laga diley Alshabaab, kuwaas oo Aysan jirin cid madax banaan oo caddaysa maadaamaa la xakameeyay galaangalka saxaafadda madaxa bannaan ee goobaha dagaalada, iyo tabinta wararka hawlgalada ku saabsanba.

Raisulwasaaraha federaalka Xamse Cabdi Bare ayaa dhowaan sheegay in Alshabaab ay ka dileen 600 dagaalamayaan, kana dhaawaceen kun iyo dhawr boqol sedexdii bil ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Xasan ayaa isna sheegay in Alshabaab laga qabsaday 13 degmo iyo 50 tuulo wax ka badan.

Isaga oo ka hadlayay hawlgalka dabo dheeraaday ayuu afhayeenka ciidanka xoogga sheegay in ay ugu wacantahay nooca hawlgalka oo ah mid dhib badan, iyo baaxadda dhulka laga saarayo Alshabaab oo balaaran, isaga oo shacabka ka codsaday in ay dulqaataan.

Haatan waxa indhaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya u weecanayaan dhanka Galgaduud iyo Mudug, halkaas oo aanan horumar badan laga samaynin, welina ciidamada dowladda ay ku jiraan difaaca dhulkii horey loo haystay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM