​Al shabaab oo madax-furasho dul dhigtay Shaqaale u af-duuban

Image

BAYDHABO, Somalia - Al shabaab ayaa dalbatay lacag madax-fursho ah, sii deynta Shaqaale u shaqeeya Hay’ad Samafal oo shalay ku qafaasheen duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

War kasoo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegay inay doonayaan $200,000 (Labo Boqol oo Kun oo Doolar), oo ay kusii deynayaan Shaqaalahan oo gaaraya 7 ruux, oo 4 kamid ah ay yihiin haween.

Saraakiisha gobolka Baay ayaa wado dedaallo ay kusoo sii deynayaan Shaqaalahan gargaarka, waxaana ay u direen Al shabaab Odayaal lasoo xaajooda, si xuriyadooda loogu soo celiyo dadka ay qafaasheen.

Shaqaalaha ayaa katirsan NGO Maxali ah, oo lagu magacaabo GREDO kaasi oo howlgalo samafal, oo nafaqeyn iyo quudin isagu jirta ka wado deegaano ku yaallo gobolka Baay.

Waxaa lagu afduubey duleedka Baydhabo, xili ay la socdeen Gaari NOAH ah, iyagoo ka yimid dhanka degmada Buurhakabo, ee isla gobolkaasi. Waxaa afduubay rag katirsan Kooxda Al shabaab.

NGO GREDO wali kama uusan hadlin afduubka shaqaalahiisa. Al shabab ayaa sanadkan gudahiisa shaqaale gargaar ka kaxaystay gobolka Gedo, inkastoo ay sii daayeen kadib wadahadal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM