​Al Shabaab oo mas'uul kale ku dishay Buurhakaba

Image

BUURHAKABO, Somalia- Al Shabaab ayaa sheegay inay Labo Qarax ay ka fuliyeen degmada Buurhakabo, ee gobolka Baay kuwaasi oo ay sheegeen inay ku dileen Mas'uul katirsan maamulka Degmadaasi iyo dhowr Askari.

Qaraxyada ayaa waxay ahaayeen Miinooyin lagu aasay Saldhiga Booliska degmada Buurhakabo iyo Goob ay ku kulmayeen Saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Weerarka hore oo dhacay Shalay Gelinkii danbe, ayaa Al shabaab waxay sheegtay inay ku dileen Kusimihii Gudoomiyaha Degmada Buurhakabo iyo Labo Askari oo kamid ahaa ilaaladiisa.

Qaraxa 2-aad wuxuu Saakay oo Isniin ah ka dhacay xarunta Booliska Degmada, kaasi oo ahaa mid loo adeegssday Miino lagu aasy gudaha Saldhigga, waxaana Mas'uuliyada weerarka sheegatay Al Shabaab.

Ma jiro wax War ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan Qaraxyada Al shabaab sheegeen inay ka geesteen Degmada Buurhakabo.

Gudoomiyaha Degmada Buurhakabo Maxa'ed Cabdi Maxa'ed, ayaa todobaadkii hore ku geeriyooday Isbitaal AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdishu, kadib dhaawac kasoo gaaray qarax mas'uuliyaddiisa ay sheegatay Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM