Al Shabaab oo Qarax ku dishay Askar Kenyan ah

Image

GARISSA, Kenya - Saddex Askari oo kamid ahaa Ciidamada Booliska dowladda Kenya ayaa lagu dilay qarax miino oo ka dhacay meel ku dhaw magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari.

Maxamuud Cali Saalax, oo ah Gudoomiyaha gobolka waqooyi Bari Kenya ayaa u xaqijiyay Wakaalada Wararka Reuters  in Askarta lagu dilay Qarax miino oo lala eegtay xilli ay kusii jeedeen magaalada Liboya.

"Qaraxa wuxuu haleeshay 3 Gaari ciidan oo Askar Boolis ah ay la socdeen kuwaasi oo kasoo baxay saldhiga deegaanka Kula kuna sii jeeday degmada Liboya, oo ku dhaw xadka Somalia," Ayuu yiri Maxamuud.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxayna tilmaameen inay gubeen hal gaari islamarkaana dileen tiro kamid ah ciidanka Booliiska Kenya.

Ciidamada waxay doonayeen in ay Roondo amni ka sameyaan Xuduuda Somalia, oo inta badan ay kasoo gudbaan Al shabaab oo weeraro ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Hay'adda Bisha Cas ee Kenya ayaa sheegtay in 8 Askari oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka.

Magaalada Garissa waxaa ku dhacayay sanadihii lasoo dhaafay  weeraro isagu jira Dilal, qaraxyo iyo afduub ay geestaan Al shabaab, kuwaasi oo uu kamid ahaa weerarkii Jaamacada Garissa ee 2015, kaasi oo ay ku dhinteen 148 qof oo Arday u badnaa.

Kenya ayaa xoojisay amaanka deegaanada xuduuda ku yaalla, kadib markii ay heshay xog ah in Al shabaab ay dagaalyahanada badan usoo diraysa dalkaasi, ay ay u fuliyaan weeraro xilliga Ramadaanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM