Al shabaab oo shaacisay markii ugu horeysay sawirka argagixiye Godane

Image

MUQDISHU, Somalia- Ururka Al shabaab ayaa ku baahiyey hay'adiisa warbaahinta ee loo yaqaan Al Kata'ib muqaalada hogaamiyahoodii lagu diley duqeyn diyaaradeed kasoo laga sameeyey Film lagaga hadlayo taariikhdiisa.

Filmkaan oo soconaya muddo 1:24 ayaa lagu sheegey in Ahmad Godane iskuulka kaga baxay magalaada Hargeysa halka uu Jaamacad ka dhigtey Wadanka Pakistan.

Godane oo sheekadiisa lagu xusey in Wadanka Afghanistan kaga soo qayb galay dagaalkii kooxaha Islamiyiinta ah kula jireen wadanka Ruushka ayaa marka uu talada ururka argagixisada ah ee Al shabaab la wareegey ku soo biiriyey kooxda Amniyaadka ee khaarajiya dadka rayidka iyo saraakiisha dowlada kuwasoo uu u adeegsan jirey kooxo dhalinyaro ah.

Filimkaan ayaa sidoo kale waxaa kasoo muuqdey ku xigeenka ururka Al Alshabab Mahad Karate isagoo xilkaan mid lamid  ah ka hayey markii ururkaan markii uu  madaxda ka ahaa Ahmad Godane.

Dhinaca kale Ahmad Godane aka Shiikh Mukhtar Abu Zubeyr ayaa inta uu hayey talada ururka Al shabaab khaarajiyey qaar ka tirsan madaxda ururkaas kuwasoo kamid ahaa Ibraahim Afghani halka ay ka baxsadeen xubno kale sida Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow.

Ahmad Godane filimkaan laga sameeyey markii ugu horeysay  lagu arkey muqaalkiisa ayaa waxaa duqeyn diyaradeed ku diley ciidamada Mareykanka Sept, 2014.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM