​Soomaaliya: Al Shabaab oo dad ku dishay Kudhaa

Image

KUDHAA, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa labo qof oo shacab ah waxay ku dishay, qof kalena ku dhaawacday duleedka deegaanka Kudhaa, ee gobolka Jubba Hoos.

Wararka naga soo gaarayo deegaanka ayaa sheegaya in labada ruux ee la dilay ay ahaayeen dadka dhuxusha ka ganacsada, kuwaasi oo Al shabaab uga shakiyeen inay xogtooda u gudbinayaan Jubbaland.

Al shabaab ayaan ka hadlin dilka dadkaasi dhuxulayda uga gaysteen nawaaxiaga Jaziiradda Kudhaa.

Dadka ka ganacsada dhuxudha iyo kuwa jara ee deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay dilka labada qof, oo si weyn looga yaqaaney qeybo kamid ah gobolka Jubbada hoose.

Jaziirada Kudhaa oo qiyaastii 110km u jirta Kismaayo, ayaa waxay kamid tahay goobaha ay ku xoog badan yihiin xoogaga Al shabaab, oo dagaal kula jira Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM