​Soomaaliya: Al Shabaab oo dad ku dishay Kudhaa

Image

KUDHAA, Soomaaliya - Al Shabaab ayaa labo qof oo shacab ah waxay ku dishay, qof kalena ku dhaawacday duleedka deegaanka Kudhaa, ee gobolka Jubba Hoos.

Wararka naga soo gaarayo deegaanka ayaa sheegaya in labada ruux ee la dilay ay ahaayeen dadka dhuxusha ka ganacsada, kuwaasi oo Al shabaab uga shakiyeen inay xogtooda u gudbinayaan Jubbaland.

Al shabaab ayaan ka hadlin dilka dadkaasi dhuxulayda uga gaysteen nawaaxiaga Jaziiradda Kudhaa.

Dadka ka ganacsada dhuxudha iyo kuwa jara ee deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay dilka labada qof, oo si weyn looga yaqaaney qeybo kamid ah gobolka Jubbada hoose.

Jaziirada Kudhaa oo qiyaastii 110km u jirta Kismaayo, ayaa waxay kamid tahay goobaha ay ku xoog badan yihiin xoogaga Al shabaab, oo dagaal kula jira Ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM