Al Shabaab oo sii daysay qaar kamid ah Shaqaale ay ka afduubteen Hiiraan

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Ururka Al Shabaab ayaa sii daayay qaar kamid ah Shaqaale Caafimaad oo todobaadkii hore dabayaaqadiisa ay ku afduubteen nawaaxiga magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Shaqaalahan oo ka koobnaa, Darawal, Labo Arday kalkaaliyaal ah iyo Dakhtar ayaa wararku sheegayaan in saddex kamid ah la siiyay.

Shabaab ayaa la haray dhakhtarka oo ahaa mid ku takhasusay daweynta xoolaha, sida ay sheegayaa wararka aan ka helayno dadka deegaanka.

Sii daynta ayaa dhacday xalay saq dhexe. Dadkan ayaa Arbacadii lasoo dhaafay laga kaxaystay deegaal Caluula Cad oo qiyaastii 10KM u jirta xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Dadkan ayaa la shaqaynayay hay’ad samafal oo lagu magacaabo Cerelba.

Ninka la haysto ayaa lagu magacaabo Dr. Xasan Madoobe,waxaana weheliya Gaarigiisa iyo qalabkii Caafimaad ay ku shaqeyanayeen.

Wuxuu ka tirsanaa ururka dhaqaatiirta xannaanada xoolaha gobolka Hiiraan.

Shabaab ayaa sidoo kale gacanta ku haysa shaqaale caafimaad oo ay ka kaxaysteen nawaaxiga degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Lama oga sababta ay dadkan u haystaan iyadoo dalka Somalia ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha ka jira waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM