Al shabaab oo Weerar Culus ku qaadey Mukhtaar Roobow

Image

XUDUR, Somalia - Al Shabaab ayaa weerar ku qaadey deegaan uu ku sugan yahay Afhayeenkeedii hore ee kasoo goostay Mukhaar Roobow (Abu Mansuur), oo ku yaalla duleedka magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka xooggan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo hadda deegaanka Abal, kaasi uu u dhaxeeya Al shabaab iyo malleeshiya taabacsan Mukhtaar Roobow, iyadoo lasoo sheegaya in labada dhinac isku adeegsanayaan hubka kala duwan, kaasi oo ka dhashay kahaasaro lixaad leh.

Duulaanka waxaa hogaaminaya gudoomiyaasha Al shabaab ee gobollada Galgaduud, Baay, iyo Bakool Xasan Yacquub iyo Maclin Geedow, oo loo xilsaarey dilka Mukhtaar Roobow, kadib markii uu Mareykanka ka saarey Liiska Argagaxisada, kana qaadey $5 Million oo madaxiisa la duldhigay.

Mukhtaar Roonow, oo kasoo goostay Al shabaab 2013-kii ayaa aqbalay inuu wadahadal la galo dowladda Federaalka Somalia, oo cafis u fidisay hogaamiyaasha iyo dagaalyahanada kasoo baxa Al shabaab, ee dhankeeda kusoo biiraya.

Wali ma jirto wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay Saraakiisha labada dhinac iyo maamulka Koonfur galbeed, oo ku aadan dagaalka socda iyo khasaaraha ka dhashay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM