​Al Shabaab oo weerar ka gaysatay degmada Afmadow

Image

KISMAYO, Jubbaland- Wararka laga helayo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in xalay saq dhexe ku dagallameen ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland oo ay weheliyaan AMISOM iyo ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa socday ku dhawaad muddo labo saac ah, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiil katirsan ciidamada Jubbaland ee ku sugan Afmadow, ayaa GO u sheegay inay ka hortageen weerar Al Shabaab soo qaaday xalay saq dhex islamarkaana jiraan khasaaro soo gaaray ciidamadooda iyo dhinaca Shabaab.

Taliyaha ciidamada ammaanka Jubbaland ee degmada Afmadow, Aar Sheekh Cali, ayaa sheegay inay dhinteen labo Askari, Hooyo iyo ilmaheed kadib markii Al Shabaab madfac ku dhufteen guri ay daganaayeen.

Wuxuu sheegay in dhinaca Al Shabaab khasaaro xooggan soo gaaray, waloow uusan xaqiijin tirada mallayshiyaadka ay ka dileen.

Goob jooge ku sugan degmada, ayaa sheegay in xalay jawiga Afmadow isbadalay islamarkaana ay abaaro 10:00pm xilliga geeska Afrika kusoo baraarugeen rasaas ay is-weydaarsanayaan ciidamada Jubbaland iyo kooxda Al Shabaab.

Wuxuu caddeeyay in khadka Taleefoonka la jaray xilli hore, maalintii Sabtida, taasoo uu sheegay in ka dambeeyeen mallayshiyaadka Al Shabaab.

Ciidamada Jubbaland oo garabsanaya Al Shabaab, ayaa gobolka Jubbada hoose muddooyinkii dambe ka waday qorshe ay uga saarayaan halkaasi kooxda Al Shabaab, waxayna kala wareegeen deegaano dhowr ah oo kaabiga ku haya degmada Kismaayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo dilay xubno Daacish katirsan

Ilo madax bannaan ayaa xaqiijiyay in Puntland ay ku weyday hal askari howlgalkaasi ka dhacay Calmiskaad.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 01:46PM

Xasan Sheekh: Wadahadal baa ka galayaa Khilaafka Dastuurka iyo Doorashadda

Furitaanka kalfadhigan ayaa imaanaya iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hanaanka doorasho.

  • Soomaliya

    29-09-2025

  • 10:41AM