​Al Shabaab oo weerar ka gaysatay degmada Garbahaarey

Image

GARBAHAAREY, Somalia- Mallayshiyaad katirsan kooxda Al Shabaab ayaa weerar ka gaystay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyagoo beegsaday saldhig ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ee qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Somalia ee AMISOM.

Weerarkaas oo loo adeegsaday Madaafiic, ayaa kooxda Al Shabaab ku warantay inay khasaaro ku gaysteen kadib markii ay dhowr Gantaal ku tuureen garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey oo fariisin u ah ciidamada Ethiopia.

Dad goob joogyaal ah, ayaa sheegay in xalay saq dhexe maqleen madaafiic ka dhacay gudaha degmadaas iyagoo xusay inaysan ogaan karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhacay goobta la bartilmaameedsaday.

Saraakiil katirsan kuwa dowladda Somalia oo ku sugan gobolka Gedo, ayaa sheegay in weerarku dhacay balse aysan jirin khasaare ka dhashay.

Madaafiicda ayay xuseen inay ku dhaceen meelo bannaan, xaaladda degmada Garbahaareyna ay tahay mid wanaagsan.

Ururka Al Shabaab ayaa inta badan xilliga habeenkii weerar ka gaysta goobaha ay daganyihiin ciidamada AMISOM.

Dhawaan ayay ahayd  markii degmada Garbahaarey ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Somalia iyo kooxda Al Shabaab, kaasoo ay ka dhasheen khasaaro laxaad leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM